Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi iyo Kaahin oo ku hanjabay in ay furin dagaalka ku celin doonaan dhulka SSC

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_1547FF-AF2BA1-439A99-22E3A6-26E9D3-1

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin ayaa gebi ahaanba ka horyimid soo jeedin la xiriirta in aysan dagaal danbe ku qaadin degaannada SSC-Khaatumo.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha bariga Burco iyo degmada Caynaba ayaa u soo jeediyay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin in aysan degaannada beeshooda weerar ka qaadin, si aysan u noqon furin dagaal.

Balse, Biixi iyo Kaahin ayaa iska diiday soojeedinta odayaasha waxaana ay u sheegeen in dhulka furinta noqon doona uu yahay kan SSC islamarkaana dagaalka laga fogayn doono Oog iyo Caynaba.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan odayaal kale oo ka soo jeeda beesha bariga Burco, kuwaas oo taageersan abaabulka dagaal ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ka wadaan degaannada beeshaasi si ay halkaas uga weeraraan dhulka SSC.

Taliska Muuse Biixi ayaa weli maleeshiyaad hubaysan ku daabulaya degaanka Oog oo ay fadhiyaan firxadka ciidamadii Somaliland ee Gooja-cadde lagu jebiyay.

Korneyl Biixi ayaa isu diyaarinaya in uu duullaan rogaal-celis ah ku qaado degaannada SSC-khaatumo si uu ugu yaraan furin dagaal uga sameeyo gudaha SSC.

PUNTLAND POST

The post Biixi iyo Kaahin oo ku hanjabay in ay furin dagaalka ku celin doonaan dhulka SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this