Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo shir gaar ah ku yeeshay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1695034106898.jpg?resize=720%2C48

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Hay’addaha caalamiga ah iyo Dowladda Puntland oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirweynaha u dhexeeya Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo hay’addaha Dowladda Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa 4 qodob oo kala ah.

1. Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland.

2. Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo.

3. Xoojinta isku xidhka iyo habka wada shaqayneed ee daneeyayaasha.

4. Bilawga  dadaalka mustaqbalka ee lagu heshiiyey, si loo hubiyo in jawaab waarta  laga bixiyo baahiyaha iyo mudnaanta.

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa shirka kala qayb-galay Masuuliyiinta Wasaaraddaha ay khusayso shaqadani, waxaana uu shirku kusoo idlaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad.

FB_IMG_1695034110581.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1695034122485.jpg?resize=720%2C46 FB_IMG_1695034148292.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1695034163064.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1695034154528.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1695034143725.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1695034114400.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1695034106898.jpg?resize=720%2C48

The post Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo shir gaar ah ku yeeshay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this