Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo Lagu Soo Xiray Shirweynaha Aqoonsiga Qaran oo Laba Maalin Socday

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray munaasabada shirka weynaha  Aqoonsiga Dadweynaha oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afasiyooni ee Garoonka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo  muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee qaranka, ayaa ammaanay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee uu dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadnaqay Jamhuuriyadda dalka Pakistan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay  hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka (World Bank) iyo UNDP. Guddoomiyaha ayaa qaatay  Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, waxaana ugu dambeyn hadiyado lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Pakistan iyo madax kale oo goobta marti ku ahaa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this