Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin Kale Duwan oo Gaartay Deegaannadii Al-shbaab Laga Saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Bacaadweyne ee Waqooyiga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug oo laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab, ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiin kale duwan oo ka kala tirsan golayaasha dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo u kuurgelaya xaaladda magaalada iyo bulshada ku nool.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, taliye ku xigeenka ciidanka lugta ee xoogga dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa gaaray magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka mudug oo saakay laga saaray khawaarijta.

Mas’uuliyiin gaaray ayaa kormeeray guud ahaan magaaladda Bacaadweyne ee gobolka Mudug ee lagala wareegay Al-shabaab  iyo fariisimaha ciidamadu ka sameysteen banaanada magaalada, waxaana ay dardaaran u jeediyeen ciidanka iyaga oo bulshada ugu baaqay in lagu soo laabto magaalada oo ay nabad tahay.

Howlgalka lagu xoreeyey bacaadweyne iyo Qeycad ayaa dowladdu sheegtay in lagu dilay  in ka badan  20 ka tirsan Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda  iyada oo tiro intaa ka bandanna lagu dhaawacay, xilli howlgallo kale ay ka socdaan deegaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug oo ay ciidamo kale ku sugan yihiin kuwaas oo la wareegay deegaanno kale duwan oo isla gobolka ah.

Mas’uuliyiinta oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Bacaadweyn ayaa sheegay in howlgallada ay sii wadi doonaan oo ay gaari doonaan deegaannada kale ay Al-shabaab kaga  sugan yihiin gobolka Mudug iyo deegaannada kale ee Galmudug, halkaas oo uu ka socdo howlgal baaxad leh sida wararku sheegayaan.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this