Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Shiinaha oo Arrimaha Twain iyo Dagalka Ruushka iyo Ukraine U Dhaxeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ku kulmay Taliyaaniga , gaar ahaan magaalada Malta, waxaana ay ka wadahadlayaan arrimo dhowr ah oo ku aadan xiriirka labada dalka iyo arrimo la xiriira Taiwan iyo arrimo la xiriira dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laba maalmood oo wadahadal ah kula yeeshay Malta diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha. Aqalka Cad ayaa sheegay in Jake Sullivan iyo Wang Yi ay ka wada hadleen ammaanka, dagaalka Ukraine iyo arrimaha Taiwan.

Washington iyo Beijing labaduba waxay ku tilmaameen kulammada kuwo “wax-ku-ool ah oo waxtar leh.” Sida lagu xusay qoraallo kooban oo labada dhinac ka yimid oo lala wadaagay warbaahinta, kulankaan ayaa ah mid gogolxaar u ah kulamo kale oo dhacaya.

Wadahadallada Malta ayaa imaanaya maalin ka hor iyadoo la filayo in Mr Wang uu gaaro Moscow galinka dambe ee maanta si uu ula kulmo madaxda Ruushka. Isaga oo kala hadli doono sidii loo xakameyn lahaa xiisadda ka dhex jirta Mareykanka iyo Ruushka eek a dhalatay weerarkii Ukrine.

In kasta oo ay xulafo la yihiin Ruushka, Shiinuhu waxa uu mawqif aan mugdi ku jirin ka qaatay dagaalka Ukraine. Waxaana uu ku gacan seeray dadaallada dowladda Ruushka ay ku dooneysay in ay ku qabsato deegaanno ka tirsan Ukraine kuwaas oo Ruushku sheegayo in isagu uu leeyahay.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this