Sign in to follow this  
Deeq A.

Gorfeynta Buugga Taariikhda Madaxweyne Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   
Magaca Buugga: President Aden Abdulla-His Life and Legacy
Qore: Mohamed Issa Trunji
Cadadka: 224 bog
AHN Madaxwayne Adan Cabdulle waxaa uu ku jiraa dadka dhifta ah ee taariikhdu sida wacan u maamuustay kuna sharaftay inuu ahaa halyay dalkiisa iyo dadkiisa wixii uu tari karay ka gaystay.
Madaxwayne Adan wuxuu ku dhashay tuulada Ceel Qurun oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaa uu la kowsaday xili deegaankiisa ay ku hardamayaan Talyaani iyo daraawiish oo labadaba qolaba qolada kale u tiiriso waxna u yeelayso. 10jir markuu ahaa buu aabihiis la haajiray ilaa ay salka dhigteen magaaladda Xudur.
Xudur waxay ahayd bar bilowga nolashiisii dheerayd ee markii danbe ku fariisisay xilka ugu sareeya dalka. Wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu wax isabaro gaar ahaan luqadda Talyaaniga. Wuxuu soo qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ku jirto cunta karin iyo u adeegida saraakiishii Talyaaniga.
Ka dib wuxuu u soo wareegay Magalaadda Mogadishu halkaas oo iyana uu ka bilaabay shaqooyin kala nooca ah oo ay ku jirto kalkaalnimo caafimaad (Nurse) ilaa ugu danbayn uu ku biiray ururkii SYL (formerly SYC) gaar ahaan qaybtiisii Beletwayne 1944tii.
Madaxwayne Adan wuxuu ka mid noqday xubnihii ugu firfircoonaa ee ururka uguna aqoonta badnaa halkaas oo lagu aaminay xilal kala duwan oo markasta isaga lala soo doonan jiray. Wuxuu ka mid ahaa bud-dhigaayashii xoraynta koonfurta iyo aasaasidii xornimo gaarsiintii (UN Trusteeship) ilaa xornimadii la qaatay koonfur iyo waqooyina midoobeen.
Madaxwayne Adan wuxuu aad u aaminsanaa in xilka lagu raadiyo hab demoqraadiya dadkana xaqa loo celiyo. wuxuu ahaa isku haye dhinacyada kala duwan ee siyaasada ku kala aragti duwan. Wuxuu kale oo aaminsanaa nidaamka xisbiyadda badan (multi-party system).
1956dii markii dowladdii daakhilayadda la dhisayay wuxuu ku dooday in dowladda laga qayb galiyo xisbiyada mucaaradka ah si ay iyaguna ugu tabo bartaan dowladnimadda dhalantooda qaybna ay ku yeelan doonan.
Madaxwayne Adan wuxuu caan ku ahaa labo sifo oo tan koowaad ay tahay inuu mar walba ka sareeyo is haysashada gudaha xisbiga iyo shakhsiyaadka iyo in uu danta waxa uu arko xooga saaro isaga oo aan u eegayn dano gaar ah. Waana taas mida siisay mudnaanta kowaad ee booskasta isaga loola raadsaday waliba isaga oo aan muujin daynayn ama baahi gooni ah.
Wuxuu marar badan isaga iyo saaxiibadiis isaga horyimaadeen jihada uu wadanku cagta saarayo iyo in qaybo siyaasiinta kamid ah ay ku mashquulsan yihiin inay xilka ummadda ku raadiyaan musuqmaasuq iyo takrifal awoodeed.
Madaxwayne Adan wuxuu saldhig u noqday dhisamaha Jumhuuriyad Soomaaliyeed oo ku dhisan qaab sharci ah iyo kala xadaynta awoodaha dowladeed. Si dhab ah ayuuna u aaminsanaa in Soomaaliya ay danteedku jirto nidaamkaas asxaabta badan. Mudadii uu xilka hayay labo ra’iisul wasaare buu la shaqeeyay oo aad kula duwan dabci ahaan iyo shaqo ahaanba. Cabdirizaq Xaji Xuseen inuu aad ugu qanacsanaa baad moodaa.
Inta uu xilka hayay isaga iyo baarlamaanku tiro dhowr jeer ah bay iska horiyimaadeen sababo la xiriira sharciyo uu diidanaa ama ay ahayd in wax ka badal lagu sameeyo. Waxaa ugu mudnayd isagana ku ahayd qaadan waa, waa in xubihii xiligaas mushaar kordhin isku sameeyeen isaguna uu diiday isagoo daliil uga dhigaya in uusan dalku qaadi karin. Laakin cod aqlabiyadleh ay ku marsadeen mushaar kordhintoodi.
Dhan kale marka laga istaago, dalku waxaa uu is joogta ah ugu jiray qalalaaso siyaasadeed iyo hardan aan waxba la iskula harin laakin ku dhisan nabad iyo aaraa kala duwanaan. Nuxnuxda iyo xuuraanku waligiisaba cirka buu ahaa iyada oo ay u sii dheertay taag darada dowladda iyo musmuqmaasuq hareeyay.
Waxaa kale oo buugga laga akhrisan karaa in Soomaalidu markaas iyo hadaba oo la joogo aysan lahayn siyaasi iyo siyaasad fadhida kana duusha aragti iyo waaqica markaas taagan. Aduunyadii markaas jirtay ee beriga iyo galbeedka baan isku dhex ilownay. Baarlamaanku kan hada jira waxbadan kama duwaynayn oo waxa ay afka ka leeyihiin iyo waxa ay codka ku leeyihiin kala labo bay hayd.
Arinta kale ee uu madaxwaynahu sida joogta ah uga walwali jiray waxay ahayd isbadal aysameeyaan ciidamada qalabka sida isagoo tiro dhowr jeer ah General Daud wax ka waydiiyay arintaas. Marna uu saadaaliyayba goortay ahaataba in wadanku mar ciidanku qabsan doonaan hadii dowladdii rayidka ahayd ay sidaas ku socoto. Berigaasna Afrika waxay ahayd afgambi iyo afgambi ka daba dhaca (coup and counter coup). For now, Africa is leading!.
Akhyaar badan oo saaxiibadiisa markay ku adkeeyeen inuu isa soo taago, xilkana mar kale isku sharaxo, waxaa uu sharuud uga dhigay in uusan olole galayn baarlamaankana ay u taal inay doortaan qofka ay isleeyihiin dalka waa hogaamin karaa. Waxaa xusid mudan inuu ku qanacsanaa inuu todobo sano joogay meesha hadana loo baahan yahay in qof kale la tijaabiyo. Wuxuu ku cawday in aan afkaartiisa iyo rayigiisa la qadarin sidaas daraadeedna aysan jirin sabab uu booska isku dhajiyo. Sidii caadada ahayd “no campaign no win” baa dhacday isaga oo qanacsana xilka waa baneeyay.
Madaxwayne Adan Cabdulle waxa kale ee lagu amaani karo waa inuu lahaa xusuus qor joogta ah oo uu ku kaydin jiray dhacdooyinka maalintaas akhraar iyo macaanba. Waana arin ay kaga dayan karaan siyaasiyiinta maanta joogta iyo kuwa dhalan doonaba. Adan Cabdulle wuxuu ku howl gabay beertiisi iyo danihiisa khaas ahaaneed.
Dhanka kale, buugga marka aan u soo noqdo, waa dhiganne si fican loo diyaariyay, luqad fudud lagu qoray, xog fiican xambaarsan dabcan waa xasuus qorkii ugu horeeyay ee laga sameeyay Madaxwayne ku dhawaad 50 sano ka hor xilka ka tagay. Somaali baa halkaas laga akhrisan karaa.
Buuggu waa amaan kaliya oo aan biyo ismarin, naqdin ama dhaliil madaxwaynaha loo tiirinayana kuma arag. Macquul maaha hogaamiye muddo 30 sano ku dhow madax ahaa inuu dhaliil la’aan noqdo.
Waxaan isleeyahay qoraaggu waa dadaalay waxaase loo baahan yahay dhigane kale oo arimaha qaar dhan kale ka fiiriya. Cidna iskuma diidana in Madaxwayne Adan uu ahaa halyay mar la arag ahaa hadana halyay kasta wuxuu leeyahay meelo uu ka gaabiyay ama awoodi wayay waxka qabashadooda. No perfect man.
Si guud markaa u qiimaysid buugga waxaa aad kala dhex baxaysaa musiibada siyaasadeed ee Soomaaliya haysata inay la dhalatay dowladnimadda iyo ka horba.
Naxariis waarta ban kuugu duceeyay madaxwayne.
Qoraa: Burhan Abdullahi

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this