Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo Ka Hadashay Khasaaraha Dagaal Ka Dhacay Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa in Askar ka tirsan oo qeyb ka ah lagu dilay Soomaaliya, kadib markii Al-shabaab iyo ciidanka ay ku dagaalameen degmada Rabdhuurre ee gobolka Bokool, kaas oo sababay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, Al-shabaab ayaa sheegatay in Askar Itoobiyaan ah ay ku dishay dagaalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur military oo ciidanka ay la haayeen sida lagu sheegay wararka kooxda.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware oo la hadlay laanta  VOA-da ayaa sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”ay sameeyeen.

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri. safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware.

“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Safiirka ayaa uu sidoo kale diiday bayaanka Al-Shabaab oo ku tilmaamay ciidamada Itoobiya inay yihiin “Saliibiyiin., waxaana uu tilmaamay in ciidankaan ay qeyb ka yihiin taageerada midowga Afrika ee nabadeynta Soomaaliya.

“Ma nihin Saliibiyiin; Waxaan halkaas ku joognaa go’aannadii Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee lagu taageerayo dowladda sharciga ah ee Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii dalkan nabad looga dhalin lahaa. Marka, tani waa dacaayad kaliya oo ay afuufayaan Al-Shabaab oo inta badan lagu yaqaanno.”

Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda federalka Soomaaliya oo gacan siiya ciidanka xoogga dalka.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this