Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo Ka Socda Gobolka Mudug iyo Ciidanka oo Gudaha u Galay Camaara

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Milatariga Soomaaliya, Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh ka wada deegaanno dhowr ah, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug.

Ciidanka oo saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ka sameeyey deegaanno dhaca Waqooyiga Bartamaha iyo Koonfurta gobolka Mudug ayaa la wareegay degmooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ay hore ugu sugnaayeen Al-shabaab muddooyinkii dambe.

Ciidanka huwanta ah oo lawareegay magaalooyinka Bacaadweyne iyo Qeycad iyo deegaanka Qodqod ayaa isku fudiyay dhulka dhulka u dhaxeeya Camaara iyo Qodqod, waxaana la sheegayaa in ciidanku ay gudaha u galeen magaalada Camaara.

Milatariga iyo Daraawiishta Galmudug ayaa Camaara ka wada barista haddii ay macquul tahay in deegaanka lagu xiray Miinooyin.Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalka ka socda Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug.

Magaalada Camaara ayaa marin muhiim u ah isku socodka gobolka, waxaana sidoo kale la sheegayaa la wareegay magaalada ay ku wajahan yihiin deegaanka Caad oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Camaara, xilli Al-shabaab laga saaray deegaanno kale.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ku sugan madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud, halkaas uu ka wado hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah, waxaana howlgalladu hadda si weyn kaga socdaan gobolka Mudug.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this