Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Askari Dil Geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Shariif ayaa waxaa loo qisaasay dil uu horay ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay ka wada tirsanaayeen militariga taariikhdu markii ay aheyd 11-kii  September 2023, kadib markii uu si bareer ah uga dhuftay dhowr xabadood Madaxa.

Marxuumka geeriyooday ayaa la sheegay inuu saaxiibkii u sheegay inuu joojiyo xabado uu si micno darro ah u ridayo, bulshadana uusan qalqal ku abuurin, taas oo keentay inuu toogto, sida ay sheegeen askartii kale iyo marqaatiyaashii lasoo taagay maxkamadda.

Kiiskaan oo ay Maxkamadu la wareegtay ayaa dhageysi dheer kadib iyo qirashada eedeysana waxaa ay keentay in xukun dil lagu rido, Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gorgor oo si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel

Dilka lagu fuliyay askarigaandilka geystay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli askarta ku sugan gudaha magaalada Xarardheere loogu baaqay in ay joojiyaan xabadaha sida micno darrada ah loo ridayo taas oo keeni karta qalqal amni oo bulshada soo wajahda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this