Deeq A. Posted September 18, 2023 Amsterdam (Caasimada Online) – Waxaa shalay Magaalada Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland ku shiray ururada Soomaalida ah ee ku middeysan dalladda “Isutagga Ururada Soomaalida ee Nederland” oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN. Dalladda FSAN, oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno halmar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta mushtamaca Soomaalida. Kulankii shalay waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:- 1- Miisaaniyada ururka 2- Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub. 3- Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda. 4- Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7, iyo qoddobo kale. Guddoomiyaha dalladda Maxamed Cabdullaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye Cabdiwahaab Yariisow iyo Maxamed Cusmaan [Guurre] ayaa xubnihii metalayay ururada si guud ugu faahfaahiyay qoddobadii laga hadlayay. Ururada ayaa ansixiyay in la ballaariyo Guddiga, waxaanna ku soo biiray saddex xubnood oo kala ah: Cali Amiin, Raaxo Cabdishakuur Cilmi HOOS KA DAAWO VIDEOW-GA KULANKA. The post Ururo SOOMAALI ah oo ku shiray Amsterdam (Daawo) appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites