Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: ATMIS oo wareejisay saldhigii ugu weynaa ee SH/DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   
376885690_333156172724540_58826119594404

Jowhar (Caasimada Online) – Howl-galka Ururka Midowga Afrika ATMIS ayaa haatan bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamadooda jooga gudaha Soomaaliya, waxaana Axaddii shalay talisku wareejiyay saldhigga Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saldhiggan ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka howlgalayay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, wuxuuna ahaa saldhigga ugu weyn ATMIS ee Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waa saldhig istaraatiiji ah, maadaama uu ku yaalla furinta hore ee difaaca magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabelle.

Munaasabadda wareejinta saldhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay taliyaha ATMIS ee saldhigga Biy Cadde Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi, kaas oo madasha ka sheegay in wareejintan ay cadeyn u tahay hoggaanka Somalia ee dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka iyo xaqiijinta amniga

“Waxaan marqaati ka nahay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka oo ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku muujiyeen awooddooda sii kordheysa ee ku aaddan sugidda amniga dalka. Waxaan aragnay ciidamada oo weeraray, qabsaday oo gacanta ku dhigay deegaano badan,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “In ay Ciidamada ammaanka Soomaaliyeed oo si xirfad leh u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay yihiin kuwa wax ka beddelaya dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”

Dhankiisa taliyaha ciidanka Xoogga dalka ee Saldhigga Biyo Cadde, Saddex Xidigle Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay warqadaha wareejinta ee Saldhigga, taas oo cadayn u ah wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goob joog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta dhexe ee Hawlgalka ATMIS, Gaashaanle Dhexe Edouard Nzohabonayo iyo, Madaxa UNSOS ee unugga Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Taliye Ku-xigeenka Waaxda Hawlgallada ee CXDS, Gaashaanle Muxudiin Axmed.

Intii ay wareejintu socotay ayaa hay’adda UNSOS oo ATMIS ka taageerta dhanka saadka aya waxa ay sidoo kale ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin, Matoor, Warshadda biyaha sifeysa, baalayaasha cadceedda, ceelal riig ah, talaajado, qaboojiyaal, iyo haamaha kaydka biyaha iyo agab kale.

“Iyada oo qayb ka ah hannaanka wareejinta, UNSOS waxa ay qalab ay Qaramada Midoobay leedahay ugu deeqday Ciidamada XDS ee kala wareegaya ATMIS saldhigga. UNSOS waxa ay sidoo kale tababar u qabatay saraakiisha SNA si ay ugu suurtagasho in ay ku shaqeeyaan oo ay dayactiraan qalabkan,” ayuu yiri Madaxa Unugga Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah.

Si kastaba, dhimista Ciidamda ATMIS aya imaanaysa kadib Qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), oo faraya ATMIS in ay ka soo saarto Soomaaliya laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023-da iyo saddex kun oo kale dhamaadka Sebtembar 2023-da.

376277661_332894272750730_49209769662497 376885690_333156172724540_58826119594404 378140957_332894102750747_67622627552758 378177794_332894339417390_52446795130750 379386665_332881179418706_16120045744478 379403386_332787576094733_88211828976806 380523106_332881269418697_53468400359299

 

The post Sawirro: ATMIS oo wareejisay saldhigii ugu weynaa ee SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this