Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Siciid Sulub oo Xilkii u Kala Wareejiyay Wasiir ku xigeeeno la Isku Beddelay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Siciid Sulux oo Xilkii u Kala Wareejiyay Wasiir kuxigeeeno la Isku Beddelay
IMG-20230917-WA0007-300x230.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa xilkii u kala wareejiyey Labadii Wasiir kuxigeen ee dhawaan laysku bedelay,
Wasiirka kuxigeen kii hore Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa Iyo Wasiir kuxigeenka cusub
Mudane Maxamed Maydhane Ibrahim.

Munaasibadda xilwareejinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda, Waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin
Wasiiro ,Badhaaaabka Gobolka M Jeex , Xildhibaano kala duwan ,Madax dhaqameed iyo marti sharaf kala duwan.

Madashan xilwareejinta madaxdii hadalka isaga kala dambeeyay waxay ku dheeraadeen wanaaga sharafta shakhsiyadeed ee labada wasiir kuxigeen ee isbedelay iyadoo madaxda wasaaradduna siweyn usoo dhaweeyeen, wasiirkii horena ka marag kaceen sidii wanaagsanayd ee mudadii uu wasaaradda joogay ùu qaranka ugu adeegay.

Waxana xilwareejinta kadib wasiir Maxamuud Jaamac Warfaa Agaasimaha guud iyo wasiirka wasaaradduba siwada jira ugu maamuuseen Shahaado Sharaf ka turjumaysa sidii wanaagsanayd ee uu ula soo shaqeeyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this