Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shabaab ku go’doonsan Sh/Dhexe iyo duqeyn iyo dagaal ku socda 24-saac

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab-1-Shabab.jpeg?fit=960%2C579&ssl=

Mahadaay (Caasimada Online) – Maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa in ka badan 24-saac ku go’doonsan deegaan lagu magacaabo Ciid-ciidka oo u dhaxeeya degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali-fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxdaan la go’doomiyey ayaa la ogaaday in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka soo gudbayeen wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, waxayna doonayeen inay kala jiraan degmooyin la xoreeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxdii ka soo gudubtay wabiga oo la sheegay inay aheyd boqolaal dagaalyahan ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ku bilowday duqeymo iyo dagaallo toos ah, waxayna noqdeen kuwo go’doomay iyo kuwo lagu dilay duqeymo iyo dagaal toos ah.

Dhul keymo ah iyo godad ay qoteen ayey ku go’doonsan yihiin Shabaab-kii ku dhiiraday inuu ka soo gudbo wabiga Shabeelle ee u socday degmooyinka xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, ilaa hadda waxaa la sheegay inay ku socoto duqeyn aan kala joogsaneyn.

Duqeymaha dhacay waxaa lagu dilay oo lagu dhaawacay dagaalyahano badan, kuwa weli nool ee dagaalamaya waxaa ku socota duqeyn, sidoo kale waxaa hor fadhiya oo meelaha qaar ay dagaal toos ah kala kulmayaan ciidamo kuwa deegaanka ah oo garab ka helaya ciidanka xoogga dalka.

Halkaas waxaa laga soo weriyey qisada wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa shacabka ku nool aagga Mahadaay oo ku dhiiraday inuu qoriga ka furto nin Shabaab ah oo god ku dhuumanaya, kaas oo la dilay, kadib markii ay u suurta-geli weysay inuu furto qorigii ninka Shabaab-ka ah.

Shabaab-ka go’doonsan waxaa ka dhamaatay sahaydii, godadka ay qoteen kama bixi karaan, intooda badan waxaa lagu laayey duqeymo soo bilowday shalay galab, xalay ilaa maanta, sidoo kale ciidamada deegaanka ayaa laayey kuwii isku dayey inay cagahooda uga baxsadaan halkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in howlgalka aagga Mahadaay uu weli socdo oo khasaaraha lagu gaarsiiyey Al-Shabaab aysan ka hor dhaceyn oo dib ay kasoo shaaci doonto natiijada markii lasoo afjaro kooxdaas.

The post Xog: Shabaab ku go’doonsan Sh/Dhexe iyo duqeyn iyo dagaal ku socda 24-saac appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this