Sign in to follow this  
General Duke

Meet new governor of Hiiraan..

Recommended Posts

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay qaabka magacaabistiisa ay u dhacday iyo howsha culus ee hortaala

 

Hiran_Region_Chairman.jpgXuseen Muxumed Maalin oo ah Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan

 

Talaado, January 02, 2007(HOL): Gudoomiyaha Maamulka Gobalka hiiraan ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Federaalka C/laahi Yuusuf Axmed oo HOL u Waramay ayaa ka hadlay Markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay sida Magacaabistiisu u dhacday iyo waliba sida uu u arko howsha culus ee hortaala.

 

Xuseen Muxumed Maalin oo ah Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan waxaa uu sheegay in uusan jirin wax xriir ah oo dhax maray isaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf, balse arrintan ay ka shaqeeyeen qaar ka mid ah sida uu sheegay xubnaha Xildhibaanada iyo waliba Wasiirrada ka soo Jeeda Gobolka Hiiraan ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu intaas ku daray in Ra'iisul Wasaaraha iyo waliba Wasiirka Arrimaha Gudaha ay ka warqabaan Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha isagoo sheegay ka hor inta uusan Madaxweynuhu soo saarin in iyaga laga Ansixiyay,

 

Dhanka kale mar uu ka hadlay sida uu u arko Xiliga magaacbistiisu ay ku soo beegantay waxaa uu sheegay in Howl-culusi ay hortaalo isaga iyo saaxiibadiisa Maamulka kula jiran, waxana uu sheegay in waqtigan dalku u muuqda mid ka sii gudbaya Xiligii Qabiil iyo Nin Jecleysiga laakiin loo gudbayo waqti loo baahan yahay in Qarannimada iyo Cadaaladda shaqeyneyso.

 

Isagoo intaas ku sii daray in siyaasadiisa ugu horeysa ee uu ku wajahayo howsha-culus ee hortaala ay tahay Bal in marka hore dadka la fahasiiyo wax Qaranimadu tahay maadaama la soo maray ayuu yiri in ka badan 16 sano oo fowdo ah, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Jiilka amaba dhiiga cusub oo u baahan ayuu yiri in nolashooda mustaqbalka wax badan laga badalo.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu dhinaca kale sheegay in Soomaaliya hadda ay ka baxday xiligii Hoggaamiye kooxeedka, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo adkeyn lahaa Qarnimada iyo horumarinta Bulshada.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu ku dhashay Tuulada Mabaax oo ka tirsan Gobalka Hiiraan sanadkii 1960kii, waxaana sida uu sheegay uu Digsigiisii sare uu ku dhameystay Machadka Isgaasiinta Qaranka ee Magaalada Muqdisho isaga oo isla markaana 2 sano oo Takhasus ah ku aadan Isgaarsiinta iyo xiriirka Bulshada ku qaatay isla Macahda.

 

Sanadkii 1983-85 ayuu sida uu sheegay waxaa uu waxbarasho dibadeed uu u tagay Dalka Jarmalka halkaas oo sida uu sheegay uu ku diyaariyay Shahaadada Injineeriyadda, isagoo sidoo kalena waxbarasho dibadeed ku soo qaatay Wadamada Japan iyo Masar.

 

Sanadkii 1985 waxaa uu Agaamisme ku xigeen ka noqday Waaxdii Telfoonnada ee Boosatada iyo Isgaarsiinta, halka Sanadkii 1987-90 uu Agaasime ka ahaa Isgaarsiinta dibada ee Wasaaraddii Boostada.

 

waxaana sidoo kale xusud mudan in sanadkii 1991 Xiligii uu bur buray Nidaamkii Dowliga uu noqday Maareeyaha Dulimaadka iyo Saadaasha Hawada.

 

Guddoomiyaha ayaa ka hor inta aan loo soo magaacaabin xilkan cusub waxaa uu ahaa shaqaale ka tirsan Hay'adda Save the Children-UK, gaar ahaan Xafiiska Magaalada Beledweyne.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

 

diini@hiiraan.com

 

Beledweyn, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

BALADWEYNE: Yuusuf Dabo-geed oo sheegay inuu aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay uuna la shaqeyn...

 

Posted to the Web Jan 02, 13:11

 

Baladweyne (PP) - Guddoomiyhii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabo-geed) ayaa maanta ka sheegay magaalada Baladweyne inuu aqbalayo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Yuusuf Dabo-geed ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xubnaha loo magacaabay Gobolka Hiiraan uuna la shaqeynayo oo uusan gacmaha ka laabanayn howsha gobolka Hiiraan uu uga baahan yahay, maadama uu ahaa guddoomiye ay markii hore u magacowday maamulka uu ka hayay gobolka Dowladda haddana ay iyadu ka qaadday.

 

 

 

“Waxaan caddeynayaa inaan aqbalay xil ka qaadista la igu sameeyay, aana la shaqeynayo maamulka cusub ee uu Madaxweyne Yuusuf u magacaabay Gobolka Hiiraan” ayuu yiri Yuusuf Dabo-geed oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Baladweyne.

 

 

 

Sidoo kale Yuusuf Dabo-geed ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo dadka Reer Baladweyne iyo cid kasta oo gacan siisay intii uu ahaa maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay inuu ku sagootinayo dadka Reer Hiiraan inay la shaqeeyaan Dowladda.

 

 

 

Guddoomiyihii hore ee Degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) ayaa isagu si weyn u diidan xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay mid caddaalad darro ah, balse waxaa socda waanwaan lagu doonayo in looga dhaadhiciyo Aadan Garaaso inuu aqbalo xil ka qaadistiisa.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Hiran_Region_Chairman.jpg

Why doesn't the gudoomiye grow beards? Isn't growing beards sunnah? And whatever happened to Hiraale? Last time he had Islamic looking beards, but now seems different.

 

capt.nai11001011723.somalia_nai110.jpg?x

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Che-Guevara:

Are you serious duqa?

I am talking about his beards, not his deeds as a Muslim. This is how he looked before:

 

hirale.bmp

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this