Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Dahabshiil oo ka Hadashay siday uga Xun Yihiin Dabka Waxyeeleeyay Suuqa Wajaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Dahabshiil oo ka Hadashay siday uga Xun Yihiin Dabka Waxyeeleeyay Suuqa Wajaale

IMG-20230917-WA0004-300x295.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegtay inay aad uga murugoodeenka dabka waxyeellada weyn u geystay Suuqa Wajaale.

Shirkadda Dahabshiil waxay sheegtay khasaaraha dabkaas ka dhashay uu saamaynayo nolosha qoysas badan oo ku lug lahaa ganacsiga suuqaasi.

Waxa ay sidaas ku sheegeen war ay ugu talogaleen Saxaafadda oo u qornaa sidan:-

“Waxa aannu aad uga xunnahay musiibadda 𝐝𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐜𝐚𝐲 suuqa magaalo ganacsiyeedka 𝐓𝐨𝐠 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞, oo ganacsato badan ku waayeen ganacsigoodii ay ku tiirsanaayeen shaqaale iyo qoysas badani. Dahabshiil Group ahaana waxaanu sameyn doonaa 𝐰𝐚𝐱𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐢𝐦𝐨 𝐚𝐡 oo aan awoodno, haddii Alle idmo.

Waxaanu 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚 ciidanka naftoodda hurayaasha ah ee 𝐝𝐚𝐛𝐝𝐞𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐣𝐚𝐚𝐥𝐞 ee la tacaalaya daminta dabka, iyo ciidamadda 𝐠𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐚 ah ee ka yimid 𝐉𝐢𝐠𝐣𝐢𝐠𝐚, 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞y𝐬𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚.
waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 in ay si wayn uga qayb qaataan gurmadka suuqa Wajaale.”

Shirkadda Dahabshiil ayaa safka hore ka gasha gurmadka ummadda Soomaaliyeed marka ay masiibaddu dhacdo, sida dabka,daadadka, fatahaadaha dabaysha iyo masiibooyinka kale

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this