Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Caruur ah oo ku Dhintay Guri ku Yaalla Burco oo Gubtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba Caruur ah oo ku Dhintay Guri ku Yaalla Burco oo Gubtay
IMG-20230917-WA0005-300x225.jpg
Burco(Qaran news)-Laba Carruura oo walaalo ah ayaa ku dhintay, dab ka kacay guri jiingada oo ku yaala xaafada Hodan ee magaalada Burco.

Abaaro 2:25 duhurnimo ayaa Ciidanka Dab-demiska Burco oo goobtaas gaadhay gurmadna u fidiyay , waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna Maydka Caruurta laga soo saaray guriga oo dabku wada haystay.

Caruurta ayaa ahaa walaalo, sidoo kale caruurtaas ayaa ahaa Curyaamiin, da’adooduna waxay u dhaxaysay 10-11 sanno.

Guriga ayaa Jiingad markiiba dabku wada qabsaday kana kooban laba qol iyo barande. Ciidanka Baadhista Booliska ayaa la wareegay baadhista kiiskaas, waxaana maydkii la gaadhsiiyay cisbitaalka Burco.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin guryaha, taasoo waayadan dambe caruur badani ku geeriyoodeen.Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyskaa geeridu ku dhacday, waxaan Alle uga baryaynayaa in baddel kheyr qaba siiyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this