Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka caalamiga ee G77?

Recommended Posts

Deeq A.   
376679921_773330738166868_30137498682089

Havana (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

Ururka G77 ayaa markii hore lagu aas-aasay 77 dal oo Soomaaliya ku jirto tan iyo 15 Juun 1964, oo hadda 60 sano jirsadey waxaana xubno ka ah 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunku.

Shirkan ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.

Wasiirka ayaa khudbadiisa shirka kaga hadlay horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ka gaartay xagga isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada bangiyada ee telefoonka laga isticmaalo oo dalkeennu ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida.

“Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkaynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhow nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse oo shirkan Soomaaliya ku matalayay.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Dowladdeennu waxay marwalba mudnaanta kowaad siisaa in ay bulshada caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is qaddarin.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu kulamo gaar-gaar ah la qaatay qaar kamid ah madaxda wafuudda shirka kasoo qayb-gashay iyo kuwa dowladda martida loo yahay ee Cuba.

376679921_773330738166868_30137498682089

374529061_773330721500203_58690322808935

376676443_773330681500207_74467947913430

374462355_773330764833532_13501109810784

374416406_773330694833539_82675201425614

376809026_773330761500199_76913441251282

The post Sawirro: Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka caalamiga ee G77? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this