Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Itoobiya iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamaya Qeybo Kamid ah Gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka mid ah gobolka Bakool ayaa sheegaya  in halkaas ay isku fara saareen ciidanka Itoobiya iyo xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab, kadib markii uu dhex maray dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana wali aaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa hub culus oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Deegaanka lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Booco ayaa u dhow degmda Rabdhuure ee gobolka Bakool, halkaas oo dhaq-dhaqaaq xoogan laga dareemayo. Ay sameynayaan labada ee ciidanka itoobiya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooba  uu soo dhigay ku sheegay in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda duleedka Rabdhuure ee gobolka Bakool

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo qeybta ka ah howlgalka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMID ee ku sugan Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this