Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Shirka Baarlamaanka Dhallinyarada Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Sagaalad ee xildhibaannada dhallinyarada Adduunka oo ka furmay dalka Vietnam, kaas oo ay ka qeyb galayaan xubno kale duwan.

Shirkaa ayaa diiradda lagu saaraya doorka dhalinyarada ee xaqiijinta u jeedooyinka horumarka waaro iyadoo la adeegsanayo Tiknoolajiyada casriga ah,waxana halkaa xildhibaanada ay kusoo bandhigeen horumada ay gaareen dhalinyarada iyo Arrimaha dowlad dhisida.

Xildhibaan C/risaaq Aadan Warsame, (Xusul) oo kamid ahaa xildhibaannadii golaha shacabka oo khudbadda ka jeediyay madasha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta horumarka waara ee dhallinyarada in muhiimad gaar ah la siiyo.

“dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta horumarka waara ee dhalinyarada, waxa ayna ansixisay dhowr sharci oo muhiim u ah si loo gaaro horumar waara”.sida ayuu yiri Xildhibaan Xusul oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara, iyadoo la eegayo dhibaatooyinka ay reebeen abaaraha, Faafida cudurka Karoona, isbeddelka cimilada, iyo argagixisada oo khatarta ku ah nolosha.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this