Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo u digay madaxweyne Laftagareen

Recommended Posts

Deeq A.   
xuseen-sheekh-maxamuud.jpg?fit=2048%2C13

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud, haatana ah musharax madaxweyne oo u taagan Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo foodka leh.

Musharax Xuseen ayaa weerar toos ah ku qaaday madaxweynaha hadda talada haayo ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale in Al-Shabaab laga xoreeyo saddexda gobol ee maamulkaasi.

Xuseen Sheekh ayaa uga digay madaxweyne Laftagareen inuu isku dhajiyo xukunka, isaga oo wacad ku maray haddii isku dayo awood inay gacanta iskula tegi doonaan.

“Maamul la’isku dhajiyo waxaa ka dhalata rabshad madaxweyne Cabdicasiis maanta wuxuu sharaf ku leeyahay inuu yiraahdo dowladda federaalka yaan wax laga suginee anaa si sharaf leh baahasha halkaan usoo dhigayee kaalaya, intaas hadii uu saameyn waayo meeshii la’isla tegi jiray ayaa la’isla tegayaa” ayuu yiri agaasimihii hore ee madaxtooyada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu hadda ka shaqeynayo inay rabshomka dhacdo Koonfur Galbeedm balse rabitaan shacab looga hor imaan doono.

“Maamulka hadda jiro wuxuu fak-fakanayaa in arrintaasi ay dhacdo annaga shacab aa nahay qoray kuma faaneyno, laakiin dad taageerayaal ah ayaan leenanahay oo shacab ah, iyagaa hadhow kacaayo, taas ayaa laga yaabaa inay rabsho sababto” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii uu dhammaado waqtiga ay ku heshiyeen in la qabto doorasho ay qaadi doonaan tallaabo jawaab ah ayna  kaashan doonaan shacabka

“Haddii waqtiga la gaaro dadka ayaa laga rabaa inay xaqooda dhacsadaan waa waajib” ayuu mar kale yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa daba socda go’aankii u dambeeyay ee xubnaha mucaaradka ku gaareen shirkii Nairobi ee ku aadan doorashada koonfur Galbeed oo weli tallaab loo qaadin.

The post Xuseen Sheekh Maxamuud oo u digay madaxweyne Laftagareen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this