Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshihii DF ee Bacaadweyn oo fulay kadib ‘isku-deygii fashilmay’ Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaadiid-dagaal.jpg?fit=720%2C480&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka deegaanka ayaa saaka la wareegay magaalada Bacaadweyn iyo deegaanka Qeycad oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Marka laga hadlo in la iska celiyo argagixisada, Bacaadweyn waxay leedahay taariikh gaar ah. Dadkeedu waxay ku jiraan beelaha hore ugu bareeray inay iska celiyaan argagixisada, balse waayay wax dowlad ah oo garabsiisa.

Waxaa la xasuusta in reerka degan Bacaadweyn ay dhowr jeer kooxda ka adkaadeen laakiin dib ayay kooxda usoo weerartay maadaama ay xaqiijisay in xilligaas ay keligood ku yihiin dagaalka.

Waxgarad iyo ganacsato reerkaas kasoo jeeda ayay xitaa waqtigaas kooxda ku dileen magaalada Muqdisho, iyaga oo aaminsan inay yihiin kuwii maalgelinaayay in kooxda la iska celiyo.

Maanta reer Bacaadweyn waxay u tahay maalin gaar ah, waxay dib u qabsadeen magaaladoodii, iyaga oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo mid kamid ah beelaha deriska la ah.

Argagixisada ayaa si weyn ugu mintiday dhowr jeer magaaladan. Waxay u arkaayeen marin ay uga tallaabi karaan qeybaha kale ee gobolka Mudug, si halkaasi dhibaatooyin ugu geystaan.

Qorshuhu wuxuu ahaa in magaaladan la qabto Jimcihii, laakiin si ay weerarkaas u baajiyaan ayay gaari qarax ah soo galiyeen deegaanka Laas-Gacamey, halkaas oo ay ku sugnaayeen madax uu kamid ahaa hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, balse weerarkaas ayaa la fashiliyay waxaana muuqata in aanay waxba iska beddelin duullaankii ku wajahnaa Bacaadweyn oo saaka dib looga taagay Calanka Soomaaliya.

Dowladda guulo waaweyn ayay ka gaartay qabashada, laakiin in la xajiyo gacan ku haynta deegaanada la qabtay ayaa u muuqata inay weli u baahan tahay farsamo gaar ah.

Kooxaha argagixisada ayaa kasii baxaya inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Iyada oo saaka gacanta lagu dhigay Bacaadweyn iyo Qeycad, ayaa dhinaca kale wararka aanu helayno sheegayaan in ciidankii shalay qabsaday Qod-Qod inay iyaguna kusii dhawaanayaan qabashada Camaara oo ah mid kamid ah goobaha muhiimka ah ee ay kooxda weli ka joogto gobolka Mudug.

Qabashada Bacaadweyn iyo Camaara oo isku maalin noqdo ayaa wax weyn uga dhigan gulufka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda iskaga saarayaan argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo madaxweynaha uu ka wado abaabulka dagaalka, oo xilligaan maraya meel wanaagsan.

The post Qorshihii DF ee Bacaadweyn oo fulay kadib ‘isku-deygii fashilmay’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this