Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Deni oo qarka u saaran muddo kordhin – maxaa cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpeg?fit=1024%2C683&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhow inuu helo muddo kordhin ay u sameeyaan xildhibaanada golaha wakiilada, kahor doorahsooyinka la qorhseeyey bishan Janaayo ee 2024.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan tirada xildhibaannada Puntland ee u ololaynaya in mudda kordhinta loo sameeyo hay’adaha dowladda, gaar ahaanna madaxweynaha.

Xildhibaannada ka tirsan xisbiga Kaah ee xukuumadda Saciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo muddooyinkii danbe barlamaanka ka dhex waday ololaha mudda kordhinta dowladda.

Sidoo kale, mudanayaasha ku biiraya ololahan ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya kadib markii sida la sheegay loo sameeyay ballan-qaadyo kala duwan, oo codkooda lagu kasbanayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la diyaarin doono mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sano ah oo dowladda loo sameeyo, taasi oo xaqiijin doonta in la baajiyo doorashada madaxweyne ee Janaayo 2024.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu gadaal ka taagan yahay arrintan inkastoo uu horaantii August sheegay in doorashada lagu qabanayo wakhtigeeda.

“Doorashada waxaan ku qaban xilligeeda oo ah 8-ka Janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood oo aan wax ku qaban karno,” ayuu yiri madaxweyne Deni oo khudbad jeediyey xilligaas.

“Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo,” ayuu yiri . 

Tallaabadan ayaa dhalin karta in mar kale ay dib usoo laba kacleyso xiisadda siyaasadeed ee Puntland ee ka dhalatay muranka doorashooyinka, taasi oo horey u sababtay dagaallo ka dhacay caasimadda Garoowe.

The post Xog: Deni oo qarka u saaran muddo kordhin – maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this