Xudeedi Posted August 6, 2010 Nabadoon Axmed Siciid “Howsha nabadaynta-----Wax ayidsanaan ah kama heyno madaxda Puntland”….. Boosaaso (SPR): Wareysi aanu la yeelanay oo isla markaana caawa ka baxay idaacada Somali Public Radio ayaa waxaa uu Nabadoon Axmed Siciid Madaxey oo ka mid ah nabadoonadii kasoo ambabaxay Sanaag iyo Haylaan ka warbixiyey in ay xal nabadeed usoo mareen deegaanada gobolka Bari. Isagoo sheegay iney soo mareen Af-Urur, Ceeldaahir, iyo Laag, isla markaana shirar ku qabtey. Nabadoonka ayaa tibaaxay in ay usii gudbeen magaalada Boosaaso iyagoo la kulmey qaar ka mid ah madaxda sare ee Puntland. Nabadoonka ayaa sheegay in aysan ka arkin wax ayidsanaan ah ka arkin baajinta dagaal in lagu qaado. Isagoo sheegay in ay odayaasha iyo kuwa buurta saran ay is ogyihiin in ay usoo socdaan, isla markaana ay ogolaadeen sidaa. Nabadoonka ayaa sheegay in ay wadadii nabada ay hayaan isla markaana ay caalamka u sheegayaan in ay xal wax ku raadinayaan iyo in ay ku kalsoonyihiin in ay xal nabadeed uga saari karaan buurta. Isla markaana ay ka codsanayaan Puntland in ay waqti yar howsha u daayaan odayaasha iyagoo balan qaadey in ay xal ka gaari karaan. Somali Public Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted August 6, 2010 http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=406:nabadoon-axmed-siciid-“howsha-nabadaynta- wax-ayidsanaan-ah-kama-heyno-madaxda-puntland”&Itemid=121 Quote Share this post Link to post Share on other sites