Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiktok oo lagu xukumay inay bixiyaan lacag badan oo ganaax ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Dhowrista xogta dadweynaha ee dowladda Ireland u qaabilsan dhowrista sharciyeynta iyo sharci-mairinta shirkadaha internetka iyo baraha bulshada ayaa ku xukumay shirkada TikTok ganaaxii lacageed ee ugu sarreeyay abid.

Lacagta lagu xukumay TikTok ayaa gaadheysa sadddex boqol iyo kontan milyan oo doolar. Xukunka ayaa ka dhashay dacwad la xidhiidha sida ay shirkadu u maareysay xogta carruurta da’da yar ee adeegsata TikTok iyo sida ay xogtaas u istimaashay shirkada.

Waxaa sidoo kale lagu heystaa TikTok inay xogta iyo baraha carruurta da’doodu u dhexeyso 13 ilaa 17 jir ay ka dhigtay mid dadka oo dhan u furan, oo wixii ay soo daabacaan uu arki karo qofwalba.

Dowladda Ireland ayaa adeegsatay xeerka Midowga Yurub ee tilmaamaha sida ay tahay in loo maareeyo xogta dadweynaha ee Internetka.

Afhayeen u hadlay Shirkada TikTok ayaa sheegay in ayna aqbalneyn go’aanka iyo ganaaxa lacageed ee lagu riday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this