Sign in to follow this  
Deeq A.

Dufcadii 1-aad ee Jabhadii Gacan-libaax oo lagu Wareejiyay Ciidanka Qaranka oo lagu Qaramaynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dufcadii 1-aad ee Jabhadii Gacan-libaax oo lagu Wareejiyay Ciidanka Qaranka oo lagu Qaramaynayo

Hargeysa(Qaran news)-Suldaan Axmed Cismaan (Caddo-gude) ayaa sheegay qayb ka mid dhalinyaradii jabhadii buurta Gacan libaax uu ku wareejiyay ciidanka Qaranka JSL.

Suldaan Caddogude wuxuu sheegay inuu sida ugu weyn ugu mahadcelinayo dhallinyaradaas oo uu xusay inay baaqiisii ajiibeen.

Waxa kaloo uu sheegay in dhallinyaradaasi ay dufcadii koowaad uu ku wareejiyay ciidanka qaranka oo ay toos u tagi doonaan dugsiga tababarka ee Beder-wanaag.

Sidoo kale waxa goobtaas ka hadlay Axmed Ilkacase oo ka socday saraakiisha ciidamada qaranka, waxaanu sheegay inay dhallinyaradaas la wareegeen oo lagu qaramaynayo ciidanka Qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this