Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanka Qodqod

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Qodqod, kaas oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda.

Hawlgalkaasi lagula wareegay deegaanka ayaa dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Al-shabaab ah, kadib markii deegaanka uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka huwanta ah iyo xubno ka tirsan Al-shabaab.

Deegaanka ayaa la sheegay in sidoo kale ay ka dhaceen duqeymo xooggan, kuwaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee taageera ciidanka dowladda, deegaanka ayaa waxaa  ku sugan  ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo taageeraya.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this