Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u Furay Bahda Caddaaladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u Furay Bahda Caddaaladda

Hargeysa ,(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL, mudane Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa maanta tababar u furay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, Ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska, Qareenno iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu daaran tahay xoojinta hirgalinta xeerarka maaliyada, waxaana bixin doona khuburo aqoon durugsan u leh xeerarka maaliyada iyo shareecadda Islaamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda.

Sidoo kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa hoosta ka xarriiqay in horumar baaxad leh laga sameeyay dhanka dacwadaha cashuuraha.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in Waaxda Garsoorku marka horeba ay ku shaqayn jirtay xeerarkani, hase yeeshee hadda ay ka faa’iidaysan doonaan is-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerarka, isla markaana ay si faah-faahsan u guddo gali doonaan muddada uu socdo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this