Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo Sheegay in Gacanta Lagu Dhigay Gaari Siday Walxaha Qarxyada Laga Sameeyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciimadda ammaanka ee xasilinta magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir lagu qabtay gaari qaraxa ah, kaas oo saraakiisha ciidanku ay sheegeen in la doonayey in la soo galiyo caasimadda sida wararku sheegayaan.

Ciidamadda dowladda ayaa sidoo kale xusay in gaarigaan gacanta lagu dhigay kadib markii wada shaqeyn ay dhexmartay ciidanka ammaanka iyo kuwa deegaanka, sida laga soo xigtay afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sidiiq Doodishe.

Gaashaanle Doodishe ayaa xusay in Gaariga ay saarnaayeen  illaa toban jirgaan oo ah nuca labaatanlayaal ah oo ay ku jiraan baaruuda loo isticmaalo qaraxyada ee loo yaqaano “TNT”, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay darawalkii waday gaariga,

Gaashaanlaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in lagu qabtay gaariga uu watay “labo taargo oo ah kuwa ay isticmaalan dowladda goboleedyada dalka, wallow uusan sheegin magacyada labada maamul goboleed Sidiiq doodishe oo sheegay xogta gaarigaan.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ammaankeeda gacanta ku haya ciidanka Boliis Milatariya, kuwaas oo wax badan ka bedelay ammaanka magaalada, waxaana. Xilli dowladdu sheegtay in hoos loo dhigay qaraxyadii ka dhici jiray.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this