Sign in to follow this  
Deeq A.

11,300 oo Qof oo Ku Geeriyootay Daadadka Ku Dhuftay Magaalada Derna

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada dadka ku dhintay magaalada xeebeedka Derna ee dalka Liibiya ayaa kor u dhaaftay 11,300 oo qof, iyadoo ay socdaan dadaallada baadigoobka  dad hor leh, musiibadaan ayaa timid kadib markii  daadad xooggan oo ka dhashay in ay karkaarada jabsadaan  laba biyo-xireen iyadoo ay  da’ayeen  roobab xooggan, sida  laga soo  xigtay hey’adda Bisha Cas ee Liibiya.

Duqa magaalada Derna, Abdel-Moneim al-Ghaithi, ayaa sheegay in tiradu ay kor u dhaafi karto 20,000 marka loo eego tirada xaafado ay dadku ku rogmadeen oo ay musiibadu ka dhacday, iyadoo ay wali socdaan baadi goobka iyo samatabixinta dadka ay waxyeelladu soo gaartay, marka la eego in magaalo dhan ay duntay.

Daadadku waxay qaadeen dhammaan qoysaskii ku noolaa magaalada Derna habeenimadii Axadda, waxaana sii kordhaya musiibada arrintaan ka dhalatay, marka la eego in dalkaan qaniga ku ah Saliidda uu yahay  dal la daalaadhacaya colaado, kadib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii ugu xukunka dheeraa Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011.

Maamullada  Liibiya ayaa beeniyay eedeymaha ah in ay ku guuldareysteen in ay u digaan dadka deegaanka ayna  siiyaan xogaha ku aadan  duufaanta Daniel ka hor masiibada fatahaadda ah , Afhayeen u hadlay dowladda Bariga ayaa sheegay in dadka deegaanka ay soo gaareen digniino ku aadan sidii bulshada ay uga tigtoonaan lahaayeen.

“Biyaha wasakhaysan bulaacadaha ayaa noqon doona walaaca ugu sarreeya”, ayay yiri afhayeen u hadlay xukuumadda bariga Liibiya  oo ah mid ka mid ah labada dawladood ee ka wada shaqeeya wadanka, waxaana wali sii kordhaya walaaca laga qabo kororka dadka ay waxyeelladu soo gaartay, kuwaas oo galaya xaalad adag.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray dalka Liibiya gargaar kale duwan , kaas oo ka kala imaanayay wadamada caalamul Islaami oo ay ugu horeeyaan Turkey, Imaaraad, Sucuudiga, Baxreen iyo Kuweed, waxaana sidoo kale jira wadamada reer Galbeedka iyo Mareykanka in ay sheegeen in ay garab taagan yihiin Liibiya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this