Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo doonaya in ay mudda kordhin u sameeyaan dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
furid.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Warar hoose ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan tirada xildhibaannada Puntland ee u ololaynaya in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Xildhibaannada ka tirsan xisbiga Kaah ee xukuumadda Siciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo muddooyinkii danbe Baarlamaanka ka dhex waday ololaha mudda kordhinta dowladda.

Mudanayaasha ku biiraya ololahan ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya kadib markii sida la sheegay loo sameeyay ballan-qaadyo kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la diyaarin doono mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sano ah oo dowladda loo sameeyo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu gadaal ka taagan yahay arrintan inkastoo uu hore u sheegay in doorashada lagu qabanayo wakhtigeeda.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo doonaya in ay mudda kordhin u sameeyaan dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this