Jacaylbaro Posted January 28, 2008 hadhwanaag 2008-01-28 (Hadhwanaagnews) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay guddoomiyaha Dalladda qaran ee ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Maxamad Yuusuf Cali (Culimo) ayaa ka soo laabtay todobaadkan safar shaqo oo ay mudo afar maalmood ah ugu maqnaayeen qaar ka mid ah gobolada dalka ee dhinaca bari. Waftigan oo ka koobnaa 8-xubnood oo golaha sare ee SONYO ah.waxa ka mid ahaa isaguna guddoomiye ku xigeenka SONYO mudane Axmad Abokor Maxamad, Ujeedada safarka SONYO ayuu gudoomiyaha dalladdu Mudane Maxamad Yuusuf Aw Cali (Culimo) ku tilmaamay in ay ugu kuurgalayeen guud ahaan xalaadaha dhalinyarada gobolada Sool iyo Togdheer iyo hadba sida ay u socdaan hawlaha balaadhan ee dalladda SONYO ka wado goboladan. Gobolka Togdheeer Waftigu intii ay ku sugnaayeen magaalo madaxda gobolka Togdheer e Burco waxa ay la kulmeen Ku-simaha maayarka magaalada Burco Mudane Axmad Cabdi Falay Oo ay iska xog waraysteen guud ahaan xaaladda gobolka ee dhinacyada arimaha bulshada iyo nabadgalyada iyo sidii kor loogu qadi lahaa wacyiga dhalinyarada iyo horumarkooda.kulankaasi kadib waftigu waxa ay kulan balaadhan la yeesheen guddida jaamacadda Burco oo ay hogaaminayaan gudoomiyaha iyo gudoomiye xigeenka jaamacaddu, sidoo kale waxa ay kulan la yeesheen guddida ardayda jaamacadda Burco oo ay ka wada hadleen horumarinta waxbarashada gobolka iyo sidii dhalinyaradu uga qayb qadan lahayd kor u qaadka aqoonta gobolka. Waftiga SONYO isaga oo sii wata hawlihiisa waxa uu intaa kadib soo gabagabeeyeen shir balaadhan oo muddo ka socday gobolka Togdheer oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada SYS-Burco oo ka mid ah ururada xubnaha ka ah SONYO, shirkan oo ay maalgalisay SONYO waxa ka qayb galayay dhamaan ururada dhalinyarada gobolka Togdheer, waxaana lagaga hadlayay arrimaha dhalinyarada ee gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha lagama maarmaanka u ah dhalinyarada ee looga gudbi lahaa caqabadaha maanta hor taagan dhalinyarada Somaliland. Kulankaasi kadib waftigu waxa ay qado sharaf la yeesheen guddoomiyayaasha ururada dhalinyarada, waxaanay madashaasi waftigu kula kulmeen Badhasaabka gobolka togdheer Mudane Cabdi Xuseen Dheere. Qadadii kadibna waftigu waxa ay kormeer ku soo mareen dhamaan xafiisyada ururada dhalinyarada. Waxaanay halkaasi uga sii ambabaxeen gobolka Sool gaar ahaan caasimadiisa Laascaanood. Gobolka Sool Waftiga SONYO markii ay gaadheen magaalada laascaanood waxa si weyn uga hor yimid oo soo dhawyn aan la ilaawi Karin halkaasi ku qaabilay madaxda ururada dhalinyarada oo gawaadhi ugu sii galbiyay hotel Xamdi oo ah madasha waftiga loogu tala galay inay dagaan. Waftigu, ugu horayn waxa ay kulan aad u xiiso badan la qaateen badhasaabka iyo ku xigeenkiisa gobolka Sool mudane Cali Maxamuud Axmed (Cali sandulle), iyo ku xigeenkiisa, Waxaanay iska xog waraysteen guud ahaan xaaladda gobolka Sool duruufaha dhalinyarada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ee loo horu-marin lahaa dhalinyarada gobolkan si ay ula jaanqaadaan dhalinyarada dhigooda ah ee wadanka, badhasaabku waxa uu ka waramay xaaladda magaalada iyo nabad galyada oo ah mid aad u wanaagsan, iyo sida ay ugu dadaalayaan wax u qabashada bulshada reer Somaliland ee gobolkan ku nool gaar ahaan dhalinyarada oo ah laf dhabarta umadda. Gudoomiyaha SONYO mudane Culimo ayaa isaguna badhasaabka uga waramay hawlaha ay dalladdu ka wado dhamaan gobolada maantana ay diyaar u yihiin sidii awalba ay uga shaqayn jireen gobolka in ay diyaar ugu yihiin wax u qabashada dhalinyarada. Waxa xusid mudan in dalladda SONYO ay ka mid tahay ururada bulshada ee ka hawl gali jiray sanadihii ugu dambeeyey gobolka Sool. Waftigu waxa kale oo ay la kulmeen xubno xildhibaano ah oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo ku sugan magaalada Laas caanood.intaasi kadib waftigu waxa ay kulan kula yeesheen xafiiskiisa ku simaha maayarka magaalada Laas caanood mudane ……………………………. Kulankaa kadib waftiga SONYO waxa ay kormeer booqasho ah ugu tageen Axmad Cabdi Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta waawayn ee gobolka waxaanay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya guud ahaan Somaliland iyo gobolkaba gaar ahaan xaaladaha dhalinyarada.kulankaasi kadib waftigu waxa ay kormeer ku soo sameeyeen xafiisyada ururada dhalinyarada ee gobolka iyaga oo soo xidhay shir lagu soo gabagabaynayay gobolka oo ahaa mid aad u balaadhnaa oo ay in muddo ah ka qayb galayeen ururada bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo uu qabanqaabiyay ururka dhalinyarada YESDO oo ka mid ah ururada SONYO ee ka hawl gala gobolka, waxaana shirkan goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Cali Sandulle iyo ku simaha maayarka. Waftigu inaa kadib waxa ay ka qayb galeen qado sharaf uu ku casuumay badhasaabka gobolku mudane Cali Maxamuud Maxamad (Sandule). Waxaana waftiga SONYO la gudoonsiiyay shahaado sharaf lagu maamuusay nabadgalyada iyo gobolka SOOL. Gunta iyo gabagabada safar hawleedkaa, gudoomiyaha SONYO Maxamad Yuusuf Cali (Culimo) waxa uu mahad-naq baladhan halkan uga dirayaa dhamaan madaxda gobolada togdheer iyo Sool gaar ahaan Ku simaha maayarka Burco Mudane ……………….., guddoomiyaha jamacadda Burco iyo kuxigenkiisa mudane ………………….,iyo……………………., badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, badhasaabka gobolka Sool Cali……………….. ku simaha maayarka Laas caanood mudane…,xildhibaanada golaha guurtida dhamaan bulshada reer Laascaanood iyo reer Burco, ururada dhalinyarada ee labadan gobol.isaga oo uga mahad naqaya sidii hagar l’aanta ahayd ee ay u soo dhaweeyeen waftiga SONYO iyo sidii wadaniyada lahayd ee ay ula shaqeeyeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites