Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Ceellahelay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo dhaxeeyey ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa  deegaanka oo isku dhinac ah iyo  xoogag ka tirsan Al-shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceellahelay ee bariga gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo qarxay shalay galinkii dambe ayaa la isla soo gaaray xalay fiidkii, waxaana lasoo warinaya inuu jiro khasaare soo kale gaaray labada dhinac, wallow aan si dhab ah loo xaqiijin karin baaxaddiisa, xilli  deegaanka ay ka maqan tahay Isgaarsiinta.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii dambe ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan in ay Al-shabaab kala wareegaan deegaanno hor leh oo dhaca bariga gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale saacadihii ugu dambeeyay ku sii qulqulay deegaanno ka tirsan gobolka, waxaana wararku ay sheegayaan in qorshuhu yahay in ciidanku ay isku balaariyaan deegaannada u dhaxeeya Ceellahelay iyo Ceelbuur..

Sikastaba ha ahaatee weerarka lagu qaaday deegaanka Ceellehelay ayaa kusoo aadaya xilli aroornimadii jimcaha weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday deegaanka Laasgacameey oo hoostaga Bacaadweyne  lagu weeraray madaxweynaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ku sugnaa deegaanka.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this