Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay qaaday DF ee magaalada Laascaanood?

Recommended Posts

Deeq A.   
SSC-Khatumo.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay wafdi culus oo dowladda federaalka Soomaaliya ay Khamiistii u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wafdigan oo isugu jiro wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin heer federaal ah iyo kuwa kale oo ka socda dhanka Puntland, ayaa noqonaya wafdigii ugu ballaarnaa oo tega gudaha magaalada Laascaanood

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, waxaana sidoo kale qayb ka ah, xildhibaano ay kamid yihiin Bashiir Ameeriko iyo wasiir hore Xamza Saciid Xamza.

Mas’uuliyintaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gambare kusoo dhaweeyay madax ka tirsan SSC-Khaatumo iyo saraakiil ciidan, kadibna waxaa la geeyay Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa muddo ku dagaalamaya SSC-Khaatumo iyo Somaliland, waxaana horay u tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gagaar gaarsiiyay magaaladaasi.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Cumar Indhayare: “Midnimada Laascaanood laga radinayo maxay tahay? Midinmo haddii la rabo Hargeysa ha tagaan, niman deegaankoodii booqday ayaan aragnaa.”

“Waxaan guul urajaynayaa shacab waynaha reer SSC, sidoo kale waxaa xildhibaanada fedaraalka, looga baahan yahay in ay shacab SSC xuquuqdooda siin donaan, oo baarlamaanka horgeyn doonaan kadibna xuquuqdooda maamul siin doonaan,” ayuu yiri Xuseen Macalim Aadan.

Sahal Liicaay ayaa sidoo kale yiri “Waa in si deg-deg ah loo aqoonsadaa SSC maamul-goboleed dowladda hoostaga.”

Cabdulqaadir Faarax Axmed: “Muuse gabalkii baa dhacay maanta tolow muxuu leeyahay yaa inoooga warama!.”

“Kuwaan 30-ka sanno waar wax Somaliland la yidhaahda majiro aan haynay ee nala yaabanaa caawa ma quusteen mise weli waa soo taagan yihiin,” ayuu yiri Bile oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Cali Maxamed: “SSC hambalyo waad guuleysateen haddii dowladdii dhexe idiin timid.”

The post Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay qaaday DF ee magaalada Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this