General Duke Posted September 1, 2006 Bare Hiiraale::: Hawsha maamulka Juballand Dowlada Federaalka Way taageertay Last Updated::2006-08-31 15:12:08 Kismaayo:- Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG Soomaaliya Col.Bare Hiiraale ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha Maamul u sameynta Jubballand uu yahay mid ay Dowlada wax ka ogtahay. Col.Bare Hiiraale oo hada ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maamulka Jubballand uu ka koobnaan doono gobalada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Wuxuun wasiirka Sheegay in hawshan ay tahay hawl dawladeed isla markaana ay si weyn u taageerayaan labada gole ee DFKMG iyo Madaxweynaha Soomaaliya. Col.Bare Hiiraale ayaa sheegay in hada ay dhiseen Guddiyadii farsamo isla markaana ay wax badan qabteen, ayna socdaan wadahadalo dheeraad ah. Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ay hada ku hawlan yihiin wakhtigii la bilaabi lahaa maamulka ku dhawaaqidiisa iyo shirweyn, asagoo intaa raaciyey in ay ku hawlan yihiin kharashkii ku bixi lahaa arrimahaasi. Arrinta Ciidamada Shisheeye Col.Bare Hiiraale oo ka hadlay arrimaha Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya la keenayo ayaa sheegay in arrimahaasi ay dowlada ka wada hadashay, isla markaana uu talooyin kala gedisan ka bixiyey ciidamada la keenayo. Bare Hiiraale oo sheegay inuusan aaminsaneyn in hada loo baahan yahay in ciidamo dibada laga keeno. Wuxuun sheegay Wasiirka Gaashaandhiga in ciidamo badan oo ah kuwii Hore ee Qaranka ay gudaha dalka Soomaaliya ku sugan yihiin, kuwaasna la qalabeeyo oo dhaqaale lasiiyo sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimaha Amniga. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in aragtidiisa uu u gudbiyey dowlada, isla markaana uu jiro qorshe dowladooda oo ku beegan ciidamada la keenayo. Hase yeeshee uu asagu shaqsiyan qabin in ciidamo la keeno. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 1, 2006 Abaa heeloogaan waa riyoonoyaa, xataa Indhamadoowe saan ma u riyoodo, xaaraan loo jeedo xalaal laga dhigto la rabo. What did the one and only Muuse Suudi Yalaxoow said: Kabo jinkiis ahayn aas isku jimeehoyaa. Ar muxuu daali doonaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted September 1, 2006 ^^^LooL Iam sure Horn will tell us da shoes fit just fine MMA. How are dare you insulted the honorable Hiiraale Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted September 1, 2006 ^I am afraid that Mr. Gees is no longer with us maybe his assistant Pure Blood will tell us Quote Share this post Link to post Share on other sites