Sign in to follow this  
General Duke

Minister Hiiraale TFG knows about Jubaland

Recommended Posts

Bare Hiiraale::: Hawsha maamulka Juballand Dowlada Federaalka Way taageertay

Last Updated::2006-08-31 15:12:08

 

Kismaayo:- Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG Soomaaliya Col.Bare Hiiraale ayaa shaaca ka qaaday in hawlaha Maamul u sameynta Jubballand uu yahay mid ay Dowlada wax ka ogtahay.

 

Col.Bare Hiiraale oo hada ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maamulka Jubballand uu ka koobnaan doono gobalada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

 

Wuxuun wasiirka Sheegay in hawshan ay tahay hawl dawladeed isla markaana ay si weyn u taageerayaan labada gole ee DFKMG iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Col.Bare Hiiraale ayaa sheegay in hada ay dhiseen Guddiyadii farsamo isla markaana ay wax badan qabteen, ayna socdaan wadahadalo dheeraad ah.

 

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ay hada ku hawlan yihiin wakhtigii la bilaabi lahaa maamulka ku dhawaaqidiisa iyo shirweyn, asagoo intaa raaciyey in ay ku hawlan yihiin kharashkii ku bixi lahaa arrimahaasi.

 

Arrinta Ciidamada Shisheeye

 

Col.Bare Hiiraale oo ka hadlay arrimaha Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya la keenayo ayaa sheegay in arrimahaasi ay dowlada ka wada hadashay, isla markaana uu talooyin kala gedisan ka bixiyey ciidamada la keenayo.

 

Bare Hiiraale oo sheegay inuusan aaminsaneyn in hada loo baahan yahay in ciidamo dibada laga keeno.

 

Wuxuun sheegay Wasiirka Gaashaandhiga in ciidamo badan oo ah kuwii Hore ee Qaranka ay gudaha dalka Soomaaliya ku sugan yihiin, kuwaasna la qalabeeyo oo dhaqaale lasiiyo sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimaha Amniga.

 

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in aragtidiisa uu u gudbiyey dowlada, isla markaana uu jiro qorshe dowladooda oo ku beegan ciidamada la keenayo. Hase yeeshee uu asagu shaqsiyan qabin in ciidamo la keeno.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaa heeloogaan waa riyoonoyaa, xataa Indhamadoowe saan ma u riyoodo, xaaraan loo jeedo xalaal laga dhigto la rabo.

 

What did the one and only Muuse Suudi Yalaxoow said: Kabo jinkiis ahayn aas isku jimeehoyaa. Ar muxuu daali doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this