Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230916_004812966-1.jpg?resize=7

Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay wakiilka cusub ee Jubaland u qaabilsan waddanka Kenya sida ay shaacisay madaxtooyada Kismaayo.

Mudane Sadik Abdullahi Bogale ayaa loo magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya sida ku cad dikreetada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

“Wuxuu madaxweynaha Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka dowladda Jubaland u Jooga dalka Kenya” ayaa lagu yiri dikreetada rasmiga ah ee magacaabista.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this