Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo ka hadlay geerida dhalinyaradii isku dhigtay qaraxa

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay labadii wiil ee saakay fashiliyey, kuna geeriyootay qarax ay Shabaab doonayeen inay ku dilaan Madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano heer federaal ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in wiilashaasi ay yihiin shuhaado ka soo baxay kaalintii looga baahnaa, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in qof kasta looga baahan yahay in meeshii lagu aadiyo uu sidaas oo kale waajibkiisa uga guto.

“Labada wiil ee ku shahiiday Galmudug waxay muujiyeen sharaf iyo dadnimo, inay ogolaadaan in naftooda ay go’do si naf kale ay u badbaadiyaan, waa arrin aad u qiimo badan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sheegay in nafhurnimada ay sameeyeen wiilashaas ay muujineyso in dadka Soomaaliyeed ay soo gaareen heer ay xaqiiji karaan danahooda, isagoo caafimaad u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

“Wiilashaas ugu yaraan waxay heli kareen inay cararaan, laakiin ma cararine jilibka ayey aasteen, waxayna ka tageen sharaf, cadowgii waa u diideen inuu gaaro hadafkiisa, marka qofkii doonaya inuu wanaag sameeyo waqti ayuu heystaa, wax badan ayaa la qaban karaan ee qof kasta meesha uu ku aadan yahay haka guul keeno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.

Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayey saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ciidanku ay isku dayeen inay fashiliyaan ayaa ku soo dhawaaday guri ay deganaayeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad, waxaana 3-daas masuul ku soo dumay gurigii ay ku jireen.

Madaxwyne Qoor Qoor, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Dhabancad ayaa maanta lagu qaaday diyaarad ciidan, sidoo kale askartii dhaawacyadu soo gaareen ayaa loo qaaday Muqdisho.

Deegaanka Laas-gacamey oo qaraxaasi uu ka dhacay ayaa 9 KM u jira magaalada Bacaadweyn oo caawa ay ciidanku ku sii dhawaadeen, berina la qorsheynayo inay gudaha u galaan.

The post Sheekh Shariif oo ka hadlay geerida dhalinyaradii isku dhigtay qaraxa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this