Sign in to follow this  
Deeq A.

“Markii wax walba aynu Dhammaynay Waxaynu Maraynaa Garoomadii iyo Xeryihii Ciidamada” Sh. Maxamed Cali Gadhle

Recommended Posts

Deeq A.   

“Markii wax walba aynu Dhammaynay Waxaynu Maraynaa Garoomadii iyo Xeryihii Ciidamada” Sh. Maxamed Cali Gadhle

Hargeysa(Qaran news)-Sheekh Maxamed Cali Gadhle ayaa khudbadii salaada jimce ee maanta si ballaadhan uga hadlay halista iyo ciqaabaha ka dhalanaya ku tagrifalka hantida ummadda.

Sheekh Maxamed Cali Gadhle, waxa uu si qoto-dheer uga hadlay axaadiis badan oo Rasuulkeennii Maxamed SCW uu uga hadlay ciqaabta aakhiro uu la kulmayo qofka xaqdarro ku qaata indhasha kabta wax leeg oo ka mid ah hantida guud ee ummaddu wada leedahay.

Sheekhu wuxuu intaas ku daray in masuuliyiinta dalku ay tahay sidii sharciga ah ee diintu jidaysay u xafidaan hantida iyo dhaqaalaha ummadda oo asnay jirin cid kaa saamixi kartaa, maadaama oo shacabka intaas leegi wada leeyahay.

“Markii wax walba la dhammeeyay waxaynu maraynaa garoomadii ciyaaraha, xeryihii ciidamada iyo dayrarkii dugsiyada” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Gadhle.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this