Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Weftiga Xamar ee Laascaanood Aanay Waxba Ka Beddeli Karin Xuduudaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Faysal Cali Waraabe oo Sheegay in Weftiga Xamar ee Laascaanood Aanay Waxba Ka Beddeli Karin Xuduudaha Somaliland

Hargeysa(Qaran)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wefti Muqdisho ka yimaada aanu waxba ka beddeli karin xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana Ciidanka Qaranku gaadhi doono xuduudahiisa mustaqbalka dhow.

Gud Faysal oo fariin ku baahiyey bartiisa Twitter Jimcahii shalay ayaa ku sheegay in guulaha kooxaha huwantu sheeganyaan, xaqiiqdii guuldaro ku dambayn doonaan, waxaanu yidhi,
“Weftiga Xamar ee Laascaanood yimi, waxba kama bedeli doonaan xuduudaha Somaliland. Riwaayaddii iyo raynrayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa ilmo iyo riyo.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal ayaa hadalkiisa raaciyey,
“Somaliland waxay dhawaan dalka ka saari doontaa duullaanka wuxuushnimada ah ee Laascaanood ku soo duulay.”

Hadalka Guddoomiye Faysal ayaa ku soo beegmaya xilli oo dhowaan sheegay inaanay xaqiiq ahayn sheegayashada kooxaha huwanta ee Sanaag, Sool & Cayn (SSC), isla markaana Somaliland gudaheeda ka jirin.
“Sanaag, Sool iyo Cayn maaha wax ka jira Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this