Sign in to follow this  
Deeq A.

Iphone 12 oo lagu sheegay shucaac aad u sarreeya oo halis ah

Recommended Posts

Deeq A.   
apple_iphone-12-spring21_purple_04202021

Hay’ad dowli ah oo Faransiis ah ayaa ku amartay shirkadda Apple inay suuqyada Faransiiska ka saarto ama kala baxdo telefoonada Iphone 12, iyaga oo ku eedeeyey in telefoonadaasi ay leeyihiin shucaac aad u sarreeya.

Hay’adda Qaran ee la socoshada Hirarka ee dalka Faransiiska, oo qaabilsan inay isha ku hayso heerka shucaaca ee aaladaha ku shaqeeya hirarka isgaadhsiinta, ayaa bayaan ay soo saartay ugu baaqday shirkadda Apple in ay hirgeliso dhammaan hababka ugu dhakhsaha badan ee ay ku xallin karto arrintan.

Hay’addan Faransiiska ayaa sheegtay in ay dusha kala socon doonto, tallaabo kasta oo lagu saxayo khaladaadka lagu arkay telefoonka Apple 12, iyaga oo sheegay in haddii tallaabooyinka la qaado ay shaqayn waayaan, in ay la gudboon tahay shirkadda Apple in ay suuqa ka saarto telefoonkan.

Shirkadda Apple ayaa ku gacan sayrtay eedaha loo jeediyey, iyo xogaha la soo bandhigay, waxayna ku tilmaameen in telefoonkooda gacantu uu waafaqsan yahay heerarka bedqabka shucaaca ee looga baahan yahay.

PUNTLAND POST

The post Iphone 12 oo lagu sheegay shucaac aad u sarreeya oo halis ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this