Sign in to follow this  
Deeq A.

Bilad-geesinimo ‘tan ugu sareysa’ oo la siiyay Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar oo maanta shahiiday

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4203.jpeg?fit=1284%2C628&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta wuxuu heerka ugu sarreysa ee billadgeesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi.

Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar ayaa waxay maanta naftooda u hureen badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laas-Gacamey, oo ay saakay weerar ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Galmudug ayaa sidoo kale waxay si buuxda u kafaala qaaday qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, ayada oo waalidka dhalay uga mahad-naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.

Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen ayaa waxay ku tilmaamtay inuu cashar u yahay cadawga Khawaariijta Al-Shabaab ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug.

Allaha unaxariiste Axmed Fiiqane ayaa waxa uu markii uu arkay gaariga qaraxa sida ee kusoo socday dhanka aagga ay degan yihiin madaxda wuxuu gaari Cabdi Bille ah po uu darawal ka ahaa ku horgooyey una dhigay gaarigii qaraxu ku rarnaa.

Tallaabadan geesinimadda leh ayaa sababtay in gaariga uu qarxo isaga oo aan gaarin guriga masuuliyiintu joogeen, oo ahaa bartilmaameedka weerarka kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo madaxdii la bartilmaameedsaday aysan kasoo gaarin waxyeelo badan marka laga tago firirka dhismaha ay ku sugnaayeen oo burburay.

Si kastaba, Ciidamada ayaa saakay ku dadaalay inay fashiliyaan qaraxaas, oo ugu dambeyntiina ku qarxay meel aan bartilmaameedkiisa aheyn, balse aheys goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweyd.

379107761_864075761955199_54949443590966

378233921_864079258621516_64587745534818

The post Bilad-geesinimo ‘tan ugu sareysa’ oo la siiyay Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar oo maanta shahiiday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this