Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Saaxil oo Kormeeray Saldhigyada Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Saaxil oo Kormeeray Saldhigyada Berbera

Berbera(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), ayaa kormeer ku tagay qaar ka mida Saldhigyada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Guddoomiye Cali Case, waxa uu kormeeray Saldhiga dhexe ee magaalada Berbera, Saldhiga Dekadda, Saldhiga Wada-jir iyo Saldhiga Birmadka.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Saaxil Cabdi Muuse Cabdillaahi ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay hawlaha ay Qaranka u hayaan ciidanku, waxaanu xusay in guddoomiye Cali Case yahay masuulkii u horeeyay ee ka wardoona xaalada ciidamada ku sugan saldhigyada, waxaanu ciidanka ku boggaadiyay sida ay hadh iyo habeen heeganka ugu yihiin sugida abniga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kormeerkiisu salka ku hayay in uu ciidanka booliska ee xarumahooda ku booqday uu ku dhiirigeliyo hawsha culus ee ay Qaranka u hayaan, waxa uu xusay in taliyayaasha ciidamadu xil weyn iska saaraan hawlgudashada ciidamada.

Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in taliyaha qaybta booliska ee gobolka Saaxil deg deg uga soo jawaabo wixii hawlgalo ah ee ay uga baahdaan, waxa uu kula dardaarmay in aanay ciidamnimadu ka soo hadhin ismaqalka iyo kala danbaynta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this