Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Aamina Eelaay oo weerar culus ku qaaday mucaaradka Laftagareen

Recommended Posts

Deeq A.   
Aamina.jpg?fit=1920%2C1280&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Eelaay oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo Koonfur Galbeed ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi gaar ahaan go’aanada kasoo baxay mucaaradka ku shiray magaalada Nairobi.

Aamina Eelaay ayaa marka hore ka falcelisay war-murtiyeedka xubnaha mucaaradka ay kasoo saareen dagaalka Al-Shabaab iyo doorashada Koonfur Galbeed, ayada oo wax laga xumaado ku tilmaamtay inay hadda ku dhawaaqaan in dib loo dhigo dagaalka Shabaab.

“Haddii ay dheheen walaaladey Shabaab lala ma dagaali karo, ayada oo madaxweyne la dooran taas waxaa waayay iyagana uma fiicna, anigana aad ayaan uga xumahay inuu eraygaas kasoo yeero” ayay tiri Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal (Aamina Eelaay).

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday siyaasiyiinta mucaaradka inay doorkooda qaataan, una soo jeesteen xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed, si looga saaro Al-Shabaab.

“Madaxweynayaal haddii ay rabaan inay waddanka ka noqdaan ama South Westa ka noqdaan ama halkan, waxaana ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan la dagaallanka Khawaarijta” ayay mar kale tiri Xildhibaan Aamina Eelaay.

Waxaa kale oo ay intaasi raacisay “Ninka hadeer maqaayad Nairobi ku taalla shir jaraa’id ku qabtay uu leeyahay Khawaarijta waxaa ka horreeya inaan madaxweyne noqdo walaalow macaanow waxaan ku leeyahay hoos usoo yare dagoo kaalay tuutahaaga soo gasho”.

Dhanka kale, Xildhibaan Aamina Eelaay oo hadalkeeda sii wadata ayaa si weyn u difaacday madaxweyne Laftagareen, iyada oo sheegtay inuu wax badan ka qabtay Koonfur Galbeed.

“Annaga haddii aan nahay gabadhihii kasoo jeeday South-Weste waxaan madaxweynaha u bixinay Dalnuurshe. Baydhaba wuxuu ka dhigay magaallo aad iyo qurxoon, Baydhaba laamiyo ayaa laga dhisay, Baydhaba madaxtooyo caalami ah oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhahay madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay ka qurxoon tahay tan Muqdisho marka waa inaad usoo daawasho tegtaan Baydhaba” ayay mar kale tiri Aamina.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo siyaasadeed, mana muuqdo u diyar garow doorasho, waxaana intaas usii dheer dagaalka lagula jiro Shabaab.

The post Daawo: Aamina Eelaay oo weerar culus ku qaaday mucaaradka Laftagareen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this