Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo A/Madoobe: Madaxweynihii sidii taliye ciidan uu furinta jooga waa in caalamka uu…

Recommended Posts

Deeq A.   
Aadan-Madoobe-scaled.jpg?fit=2560%2C1707

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dalab muhiim ah oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab u diray beesha caalamka.

Aadan Madoobe oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 74-aad ee Maalinta Qaranka Shiinaha ayaa waxa uu caalamka ka dalbaday in dowladda Soomaaliya lagu garabsiiyo dagaalka Al-Shabaab, si loo gaaro hadafka laga leeyahay gulufka socda.

“Dalka Soomaaliya sida ogtihiin waxaa ka socda dagaalka argagixisada, dalka madaxweynihiisi Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu fadhiya furinta dagaalka sidii taliye ciidan, waxa socda waa dagaal argagixiso,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

“Dowladaha waaweyn ee caalamka waxay Soomaaliya uga baahanahay in gacan weyn laga geysto arrintaas, oo ay xoojiyaan taageerada ay dalkeena siiyaan si aan dalkeena uga ciribtirno Khawaariijta.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya maanta aysan waxba uga muhiimsaneyn dib usoo celinta amnigeeda iyo cirib-tirka kooxaha argagixisada, “Qaranka hadduu mar dumo dhisitaankiisa wuxuu qaadanayaa muddo aad u dheer.”

“Runtii dadaal badan ayaa nalala sameeyay laakiin weli dhameystir ayay u baahan tahay, dowladaha waaweyn waxaa ka rajeynaynaa inay sii xoojiso taageerada dagaalka Khawaarijta, oo ay kamid tahay dowladda aan maanta xafladeeda joogno iyo kuwa kale ee jooga.”

Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa si dardar leh uga socda gobollada dalka, ayada oo saaxiibada caalamka ay inta badan Soomaaliya ku taageeraan howl-gallada dhaka cirka, kuwaasi oo lagu beegsado dagaal-yahaanada kooxda.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

The post Daawo A/Madoobe: Madaxweynihii sidii taliye ciidan uu furinta jooga waa in caalamka uu… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this