Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Waxyeelo weyn u Geystay Deegaanka Milxo ee bariga Laasqoray ee Dahabka laga Qodo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dab Waxyeelo weyn u Geystay Deegaanka Milxo ee Dahabka laga Qodo

Laas-qoray(Qaran)-Dab xoogan oo gaystay khasaare hantiyeed oo kala duwan ayaa ka kacay degaanka Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Badhan.

Degaankan Milxo oo dhaca bariga degmada Qadiimiga ah ee Laas-qoray ayaa caan ku ah qodista Dahabka iyo Macdanta isla markaana ay ka shaqaystaan dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Guddoomiyaha Degmada Laas-Qoray Cabdiraxmaan Suug ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad uga xun yihiin bulshadii hantidooda ku weyday dabkii degaankaasi ka kacay, waxaanu bulshada ka codsaday in garab istaag loo muujiyo dadkii ku hantida beelay dabkaasi.
Ilaa hadda sirasmiya looma oga sababta keentay dabka khasaaraha hantiyeed dhaliyay ee ka kacay deganaka Milxo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this