Deeq A. Posted September 14, 2023 Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudaen Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Labada mas’uul ayaa wadahadallo ku yeeshay qarsiga madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo iska xog wareystay arrimo muhiim ah. Sida ay shaaciyay madaxtooyada Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa daniire Mike Nithavrianakis kala hadlay arrintii lagu eedeeyay ee ku aadaneyd inuu ka gaabiyay dagaalka Shabaab, taas oo ay dhowaan sidaas shaaciyeen xubnaha mucaaradka ku ah. Laftagareen ayaa dowladda UK waydiistay taageero ku aadan dagaalka Al-Shabaab, maadaama maamulkiisa uu isku diyaarinayo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayaa lagu qoraalka K/Galbeed. Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankooda ku soo qaaday wax ka qabashada abaaraha iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda ay UK ka waddo deeganada Koonfur Galbeed. Baydhaba ayaa kamid ah meelaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha ugu badan ee kasoo hayaamay deegaanadooda, waxaa magaalada ku yaal xeryo ay dagan yihiin qoysas badan. Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada Soomaaliya, taas oo isugu jirto taageerada ciidanka iyo mashaariicyo kala duwan oo lagu taageero shacabka. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, maalmo uun kadib markii Nairobi lagu soo xiray shir ay yeesheen mucaaradka Koonfur Galbeed oo si weyn loogu dhalilay Laftagareen, iayaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrinta doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirro: Laftagareen oo ka hadlay arrintii lagu eedeeyay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites