Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida iswaafajinta Doorashooyinka oo la Komishanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida iswaafajinta Doorashooyinka oo la Komishanka
IMG-20230914-WA0002-300x167.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL ayaa Fadhigoodii 15-aad waxa ay maanta xarunta Golaha kula kulmeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.

Fadhigani oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi intii uu socday waxa ay KDQ oo ay weheliyaan La-taliyayaashiisa Sharci soo jeediyeen dhammaan caqabadaha iyo gal daloolooyinka ku jira Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururrada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011 iyagoona sidii loo sixi lahaa ay gudida u soo gudbiyeen.

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo ku xisaabtamaya wakhtiga ay haystaan ayaa sii wadi doona kulamadani labbada galinba ay la qaadanayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha Siyaasadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this