Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Sacuudiga iyo Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
378707073_665516802344136_77329643919145

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa goobjoog ahaa kulankan, waxaana lagu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo warbixino lasoo bandhigay.

Golaha ayaa sidoo kale shirkooda maanta ku meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay dowladda Soomaaliya la soo gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Intaasi kadib waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Sidoo kale golaha ayaa loo soo bandhigay warbixin kale oo la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sudoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halka socda, isaga oo haweenka iyo dhalinyarada ku boggdaaiyay sida ay uga soo muuqdaan abaabulka socda.

Ganacsatada ayuu sidoo kale ka dalbaday inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay taageeraan gulufka uu hoggaaminayo madaxweynaha, si looga adkaado Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay illaa iyo hadda guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

378494628_665516779010805_30790305420464 378574659_665517025677447_29226378226671 378578755_665517015677448_66899269035594 378578849_665516999010783_69714009842636 378707073_665516802344136_77329643919145 378774050_665516942344122_80458269125500 378783658_665516789010804_13972624358823 378820541_665517045677445_21488852586050 Fardowso.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Sacuudiga iyo Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this