Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor Qoor oo Galmudug ka wada qorshe muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
374186242_770587985107810_49322498021108

Wisil (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku maray inta badan furimaha dagaalka ee gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Safar ay kaga baxeen Dhuusamareeb ayey masuuliyiintaasi isaga gudbeen degmada Baxdo, deegaanka Xin-labi oo maalin ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa xalay ku hoyday furinta xigta degmada Wasil oo saldhig u ah ciidamada xoreynaya Bacaadweyn iyo deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Labadaan masuul ayaa fursad u helay inay la kulmaan oo habeen la hoydaan shacabka deegaanka Xil-labi oo Shabaab intii ay jireen ay u talinayeen, deegaankaas ayaa dhulkii la xoreeyey uga duwnaa in shacabkii ku noolaa uusan hal qof ka raacin Al-Shabaab.

Dadka reer Xin-labi oo soo saara Cusbada ayaa markii ay Shabaab isaga carareen deegaankaas waxay isku diyaariyeen inay soo dhaweeyaan ciidamada dowladda, taas oo ka yaabisay ciidamadii arki jiray inay tagaan deegaano cidlo ah oo shacabkii ku noolaa ay Shabaab ka daba-carareen.

Deegaannada Dhag-haye iyo Laas-gacaney oo hoos taga degmada Wisil ayey gaareen Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo safar ku maraya furinta, labadaas deegaan oo aad ugu dhow Bacaadweyn ayaa gacanta dowladda soo galay labadii maalmood ee u dambeysay.

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo wasiirka gaashaandhigga uu wehliyo ayaa horay seddax habeen u joogay deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceelgaras oo bari ka xoga Dhuusamareeb, halkaas oo laga saaray Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa weli ku sugan Ceel-lahelay oo ka mid ah furimaha ugu khatarta badan oo Shabaab ay ka dhowyihiin, halkaas wuxuu Wasiir Jaamac ku hoyday habeenkii 5-aad.

In madaxdu tagto furimaha dagaalka ayaa wax weyn uga dhigan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, waxaana muuqata in masuuliyiinta muhiimka u ah dagaalka Al-Shabaab aysan waayahaan u shaqa tegin xafiisyadoodii, taas oo soo dedeji karta in laga guuleysto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug oo mudo bil ah duurka ku jira ayaa isku maray furimaha aagga Waxbo, gaar ahaan degaanka Burujeed ee koonfurta Galgaduud ilaa degmada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug, tani waxay muujineysaa in loo soo wada jeestay dagaalka Khawaarijta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu helay masuuliyiin ku garab taagan dagaalka uu hoggaamintiisa kaga soo guuray Madaxtooyadii Qaranka.

374186242_770587985107810_49322498021108 374214035_770587845107824_66486418674008 374281198_770587971774478_29130857178866 374421627_770587875107821_33668231859299 376618235_770588101774465_84029393189408 376655431_770588085107800_47542160501091 376672964_770587991774476_41079166636272 376680236_770588068441135_62148808071389 377716925_770587868441155_60719131646426 Qoor-Qoor-iyo-Dhabancad.jpg?resize=696%2

The post Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor Qoor oo Galmudug ka wada qorshe muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this