Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxaa mudaharaad iskugu soo baxay dhallinyarada reer Jigjiga yar oo ka cadhaysan garoomo la faasaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekada Garoonka Kubada Kollayga ee Jig-jiga Yar.

A. Meeshu waa saddex Garoon

1. Garoonka Kubadda Cagta ee Dhallinta (Casaanka)
2. Garoonka Cagta ee Xanaanada Dhalinta ka soo horeeya (Buluuga)- Waxaa dad gaar ah lagu wareejisay xukuumadii hore ee Kulmiye (2010-2017)
3. Garoon Kubadda Kollayga ee Dhallinta (Cagaarka)- Waxaa dad gaar ah ku wareejisay Xukuumada Kulmiye ee hadda

B. Shalay Maxaa dhacay?

Wasiirkii hore ee ciyaaraha ayaa dhagax dhigay garoonka cagta ee dhalinta (casaanka) isagoo sheegay in laga dhisayo garoon kubadda kollayga ah oo ay wasaaraddu maalgalinayso [taas oo macnaheedu yahay in Garoonkaa laba loo qaybinayo oo cag iyo kolay uu noqon doono]. Saacaddo kadib markii uu halkaa dhagaxa dhigay Wasiir #Qambi xilkii baa laga qaaday ninkaa. Miyaa la isticmaalay wasiirka mise isagaa wax isticmaalay? Waa inoo dhiman tahay jawaabta suaashaasi.

Waxaa kale oo halkii kubadda kolleyga (Cagaarka) oo ay ku hoos qarsoon tahay garoonka xanaanadu (buluugu) laga taagay boodh sheegay iyo ganacsade reer Hargeysa ahi uu ka dhisayo guryo gamacsi.

C. Maanta Maxaa dhacay?

Waxaa mudaharaad iskugu soo baxay dhallinyarada reer Jigjiga yar ee hore ugu ciyaari jirtay Garoomaddan, kuwa imika iyo dhalinyarada Xaafadda STATE-HOUSE-Ka oo ah kuwa iyaguna ku ciyaaray iyagoo gooyay boodhkii ganacsadaha xukuumadana uga digay iney cid gaar ah ku wareejiso garoomadaas oo ah kuwa keliya ee noociisa ah ee ku yaal xaafadda Jigjiga yar iyo degmada ibrahim Koodbuur.

Ugu dambayntii guriga gaarka ee Madaxwayne Biixi ayaa u muuqda ama 500 oo talaabo ay u jiraan garoomadani.

Allaa Mahad leh
Xamse Khayre.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this